|
Qofkii calankeenna diida sunnadi ayuu ka hor yimid, dagaal ayaana noo dhexeeya |
|
|
|
|
Written by Ahmed As-salafi
|
|
Monday, 08 February 2010 15:42 |
Sheekh DR Cismaan Macalim Maxamud Sheekh Cali Oo Radiyyay Hadalkii Ka Soo Yeeray Alshabaab Oo Ahaa Calankeenna Cidii diida Sunnadi Ayuu Ka Hor Yimid, Dagaal Ayaana Noo Dhexeeya
|
|
Sheekh Dr Cismaan Macalim Maxamud Xafidahullaah Wuxuu Yiri: Culimadu waa ay sheegeen in ay sunno tahay calanka jihaadka gaalada lugula jiro loo qaato, laakiin inti aan baarbaaray weli iima soo bixin Culimada oo leh: midab hebel ayaa sunno ah, xukun aan lagaaga horreynna waa khatar, in magaalooyinka muslinku deggan yahay calan la suro, midabka uu doono ha yeeshee iyadana ma arag culimadi axaadiithta sharaxday mid ka mid ah oo waa sunno yiri, haddaba kuwa yiri calankeenna qofki diida sunnadi ayuu ka hor yimid, dagaal ayaana noo dhexeeya, waxaa iiga muuqata arrin aan fiicnayn oo khawaarijta laga sheegi jiray, ahna wax bannaan in ay xaaraan ka dhigaan, wax aan sunna ahaynna sunna ka dhigaan, wax wanaag ah xumaan laga dhigo, wax xunna wanaag laga dhigo, intabana xiriirin iyo goyn laga dhaliyo, gaaleysiin iyo qoor goynna lugu bannaysto. Kii khawaarij u horreeyay wuxuu eex ku sheegay qaybinti Rasuulka (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye), kuwii Cali uu la dagaallamayna waxay gaalnimo ka dhigeen wax bannaan oo ah in muslinki dirirsanaa la kala dhexgalo oo rag loo bixiyo kala xukuma
www.manhajonline.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
|
Last Updated on Monday, 08 February 2010 17:03 |